Qarax saaka ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahin ka soo baxaya

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax miino oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta.

Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan, halkaasoo gaadiid ay la socdeen Ciidamada Asluubta lagu qarxiyay.

Ugu yaraan hal qof oo darawal moote bajaajle ah ayaa ku geeriyooday, halka shan askari ay ku dhaawacmeen, sida ay ku warameen goobjoogayaal.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ahaa nuuca Cabdibilaha oo ay ku buufsaneyd calaamada ciidanka Asluubta.

Qaraxyada Miino ee ka dhaca xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay aad u soo kordhayay, waxaana habeen ka hor ay aheyd markii gaari uu lahaa Afhayeenka Booliska qarax lagula eegtay wadada 21 October.