Qodobo ka mid ah Arrimaha Masiiriga ee Dastuurka oo looga hadlay shir ka dhacay Baydhabo

Hayadaha u xilsaaran dib-u-Eegista Dastuurka ayaa maanta magaalada baydhabo kulan wadajir ah kula yeeshay xukuumadda iyo Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay Arrimaha masiiriga ah ee ku jira Dastuurka iyo sidii loo dhammaystiri lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Arr. Dastuurka Mudane Saalax Ahmed Jaamac oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay in looga fadhiyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka in ay aragtidooda ku aadan qodobada dib u eegista lagu sameeyay usoo gudbiyaan hayadaha dastuurka si loogu daro nuqulka saddexaad ee dastuurka si loo horgeeyo Baarlamaanka Federaalka.

Kulanka oo uu shir gudoomiyay sii hayaha madaxweynaha koonfur galbeed Soomaaliya ahna gudoomiyaha Baarlamaanka mudane Ali Said Fiqi ayaa bogaadiyay howlaha ka qabsoomay geedi socodka Dastuurka isagoo xusay in aragtida koonfur galbeed ee ku aadan qodobada masiiriga ah ee dastuurka ay soo gudbin doonaan iyagoo soo marinaya Wasaaradda Dastuurka koonfur galbeed.