Qodobo la isku afgartay shirka ka socda Hotel Decale

Meeting between the federal government and the Union of Candidates opens at Hotel Decale

Shirka u socda Ra’iisul Wasaaraha, Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa la sheegay in heshiis hordhac laga gaaray qeybo ka mid ah ajandayaasha shirka.

Sida ay xaqiijinayaan ilo ku dhow dhow kulankan Xukuumadda ayaa ka dalbatay musharaxiinta in bannaanbaxa berri 26 February la qorsheeyay in dib loo dhigo, si loogu diyaar garoobo sugida amniga iyo sidii loo qaban lahaa bannaan bax si nabadgelyo ku dhaca.

Sidoo kale Xukuumadda waxay aqbashay in Guddi baaritaan u saarto wixii dhacay 19 Febraayo, ayna shaaciso inay ka xuntahay dhibaatadii dhacday oo ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Wixii ku soo kordha shirka Decale kala socod Jowhar.com