Qof isku qarxiyay maqaayad ku taal Muqdisho iyo Wararkii u dambeeyay

xamar

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaaxi ku taal degmada Xamar Jajab.

Qaraxan oo uu fuliyay qof naftii halige ah ayaa ka dhacay maqaayad ka soo horjeeda Dugsiga Tababarka Jen. Kaahiye ee School Polizio.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la heyn tirada rasmiga ah.

Maqaayad la isku qarxiyay ayaa la sheegay inay ka mid tahay maqaaxidaha ay ka cunteeyaan dadka caadiga iyo ciidanka Booliska.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe