Qoor qoor oo ka hadlay sida ay ku soo bexeen xildhibaanada mucaaradka ku ahaa Farmaajo
Mar 17 (Jowhar.com) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa ka hadlay sida ay xildhibaanimada deegaanadiisa ay uga soo heleen xubno mucaarad ku ahaa Shantii sano ee la soo dhaafay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo.
Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu soo sagootinayay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee lagu doortay Magaalada Gaalkacyo ayuu tilmaamay in haatan la joogo waqtigii dalka loo soo saari lahaa dad wax gal ah, isaguna sidaasi uu falay, wuxuuna xubnaha soo baxay ka dalbaday iney isku xirnaadaan.
“Sanadkaan waxaa la doortay Xildhibaannada labada Gole oo lagu jilba murxay oo sida la wada qiray ay yihiin Dad aad u sareeya oo Soomaali ka dhex muuqda Soomaali ka dhex muuqda, sida ay kusoo baxeenna anigu isku amaani maayo waxa aan qabaa kalsooni xubno iga aragti duwan oo isku meel aan siyaasad u wadin in ay usoo baxeen Galmudug, waxa aan aaminsanahay kala duwanaashiyuhu waa waqti kooban, waxgalnimaduna waa wax dheer, isku xirnaada oo door muuqda ka qaata Doorashada heer Qaran” ayuu yiri MW Qoor-Qoor.
Madaxweynaha Galmudug ayaa dhinaca kale amaanay kaalinta ciidamada amaanka ay ka qaateen suura-gelinta doorashada Gaalkacyo oo uu tilmaamay iney tahay markii u horeysay 54 sano kadib in xarunta gobolka Mudug ay doorasho ka qabsoonto.
“Sharaf bey noo wada tahay in 1968dii kaddib Doorasho ka dhacdo Gaalkacyo, Mar weliba waxa ay dad badan is lahaayeen Meel aan joojin ciidan badan oo Ajnabi ah sidee ayay uga dhici kartaa Doorasho balse waxa aan aaminsanahay in doorashadu lagu qabtay ay ka duwaneed doorashooyinka kale ee Dalka ka dhacay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Galmudug ayaa soo dhameystirtay doorashada 37-da xildhibaan ee golaha shacabka ku leedahay, 9 kamid ah xubnahan ayaa soo laabtay oo baarlamaankii hore ka tirsanaa, halka 28 xubnood ay cusub yihiin, Dumarka ayaa 9 ka ah, iyadoo 28-ka kale ay yihiin Rag.