Qoor qoor oo saxiixay laba sharci oo doorashada Galmudug saameynaya.

Sept. 21 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa ka qeyb galay munaadabadda xiritaanka Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug.

Munaasabadan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne kuxigeenka Galmudug, gudoomiyaha Baarlamaanka, Xeer Ilaaliyaha guud ee Galmudug, golaha wasiirada iyo xildhibaanada iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa sixiixay laba sharci oo kala ah Sharciga Xibsiyada iyo Sharciga Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka, sida uu madasha ka sheegay.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay u tallaabsatay wadada dimoqraadiyadda, lana diiwaan galin doono xisbiyada.

qoor qoor oo saxiixay laba sharci oo doorashada galmudug saameynaya. qoor qoor oo saxiixay laba sharci oo doorashada galmudug saameynaya. qoor qoor oo saxiixay laba sharci oo doorashada galmudug saameynaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More