Ra’iisul Wasaare Roble oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan

swan-iyo-roble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan dalka Soomaaliya Danjire James Swan.
Kulankan ayay labada mas’uul waxa ay uga wadahadleen arrimo ay ka mid doorashooyinka,ammaanka iyo Iskaashiga Somaaliya iyo Caalamka ee ku aaddan arrimaha horumarinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Qaramada Midoobay uga mahad celiyay dadaalka ay ku bixinayaan Arrimaha Soomaaliya, sida Arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.

Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa sheegay in QM ay had iyo jeer garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay dardar gelinta howlaha horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii la Magacaabay waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, isaga oo kala hadlayay Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashadooyinka & Amniga.