Ra’iisul Wasaare Rooble “Arrinta Somaliland meel fiican ayay marayaan, wadatashiyo ayaa socda”

507

Ra’iisul Wasaaraha Sooomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay soo afjareyso khilaafka u dhaxeeya Siyaasiyiinta Somaliland ee ku aadan arrimaha kuraasta Baarlamaanka labada Aqal.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in meel fiican ay u marayaan xalinta arrimahaas, wada tashiyo uu la leeyahay labada dhinac.

“Arrimaha Somaliland meel fiican ayay ii marayaan wadatashiyo ayaa wadaa waa ku guda jiraa, madasha wadatashiga qaran ee dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe aniga ayay mas’uuliyadda i saareen”ayuu yiri.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu wada hadal u socdo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ah labada dhinac ee kala hoggaaminaya labada garab ee siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi.

Khilaafka ka taagan kuraasta Gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa sababay in labo Guddoomiye lakala doorto oo ah Guddiga maamulada doorashada kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.