Ra’iisul Wasaare Rooble oo 9ka Febraayo hortagaya Baarlamaanka Federalka

Prime Minister Roble names new members to State Electoral Commissions

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu hortegayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbad ayaa saxaafada u sheegay Ra’iisul Wasaaraha uu 9-ka bishaan Febraayo hortegayo Baarlamaanka, si uu Warbixin ugu jeediyo.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka uga warbixin doona waxqabadka Xukuumaddiisa ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay tan iyo markii xilka loo magacaabay.

8-da bishaan Febraayo ee 2021 ayaa waxaa ku eg muddo xileedka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xili uu horey u dhammaaday muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad 27kii bishii December 2020.