Ra’iisul Wasaare Rooble oo bilaabaya la kulanka Musharaxiinta Mucaaradka

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maanta uu la kulmo qaar ka mid ah Midowg Musharaxiinta, si uu ugala hadlo caqabadaha ka taagan hannaanka doorashada.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble uu maanta kulan qado la qaadan doono C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir, kana mid ah Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu yahay mid uu dalbaday Ra’iisul Wasaare Rooble, si uu xal ugu raadiyo caqabadaha iyo khilaafka ka jira hannaanka doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhowaan cannaan kala kulmay Beesha Caalamka oo kulan qadka Zoom-ka kula qaatay ayaa u sheegay inuu diyaar u yahay in cid walba uu la fariisto, si uu u xaliyo tabashooyinka ka jira doorashada.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa horay uga hor-yimid Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay, iyagoo dalbaday in lakala diro Guddiyadaas oo ay sheegeen inay xubno ka yihiin Askar iyo shaqaalaha rayidka ee dowladda.