Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho ku tegay Xerada Balli-doogle

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Saldhigga Ciidamada Ballidoogle ee gobalka Shabeelaha Hoose, iyadoo ay ku soo dhoweeyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ra’iisul wasaaruhu uu halkaa u tegey sidii uu uga qeybgali lahaa munaasabad lagu sagootinayo ciidamo Maraykan ah oo halkaa ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay.

Ciidamadan ayaa waxa ay tababar ku siinayeen xerada Ballidogle ciidamada DANAB oo ah ciidamo si gaar ah u tababaran.

Dowlada Maraykanka ayaa dhowaan shaacisay inay kala baxayso ciidamadeeda dalka Soomaaliya,waxaana haatan ku sugan xeebaha Soomaaliya markab dagaal oo xambaarta diyaaradaha dagaalka.

Markabkaa ayaa lagu wadaa in lagu daadgureeyo ciidamada Maraykanka ah iyadoo weli ay ciidamada Maraykankuna sii wadaan duqeynta ay la beegsanayaan saldhigyada Alshabaab.