Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar

681

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeer ku tegey Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula kulmay xarunta dowlada hoose isla markaana warbixin kaga dhageystay mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Kulankan ayaa daba joogay kormeero uu maalmihii la soo dhaafay ra’iisul wasaare Rooble uu ku tegeyay xarumaha dowlada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa toddobaadkan booqday dekeda Muqdisho iyo Xarunta Nabad Sugida Qaranka.