Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib u dhac ku yimid qudbadii uu ujeedinayay Baarlamaanka

Prime Minister Roble names new members to State Electoral Commissions

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo maanta lagu waday inuu Baarlamaanka ka jeediyo khudbada uga hadlayo waxqabadka 100 Maalmood Xukuumadda ayaa dib loo dhigey iyadoo uu baarlamaanka hor iman doono 10ka bishan Febraayo 2021.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu Xildhibaanada hortegayo 10-ka bishaan Febraayo oo ku beegan maalinta Arbcada ah.

Kulankii ay maanta yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa ay ku ansixiyeen wax kabadelka sharciga waxbarashada heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, waxaana ansixinta ogolaaday 170 Xildhibaan.

Si kastaba kulankii Maanta ee Xildhibaanada ayaa kusoo aaday, iyadoo xalay uu dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoona la doortay maanta oo kale 8-dii beshii Febraayo ee sanadkii 2017.