Ra’iisul wasaare Rooble oo kormeeray xarunta Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka

906

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixin ka dhageystay agaasimaha KMG iyo saraakiisha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Ra’iisul wasaaraha waxaa ku wehliyey kormeerka wasiirka wasaaradda amniga gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur.