Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Madaxweynaha Hirshabelle

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulanka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa waxa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda dalku marayo, waxaana si gaar ah looga hadlay kulanka dardargalinta hannaanka doorashooyinka,sugidda amniga & horumarinta deegaannada Hirshabeelle.
Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo dhawanahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa kulamo gaar gaar ah waxaa uu la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada.

Kulamada ayaa inta badan waxaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka, waxyaabaha inta badan diiradda lagu saaray kulamada siyaasadeed waxaa ugu waa weynaa khilaafaadka ka dhex taagan madowga Musharixiinta iyo Dowladda dhexe kuna aaddan guddiga doorashooyinka.