Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibbada Britain

419

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Britain ,Dominic Raab kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ,arimaha amniga,xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka Soomaaliya iyo la dagaalanka aragagaxisada .

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa Dowladda UK uga mahad celiyay taageeradeda Soomaaliya ay siiso oo leh dhinacyo kala duwan.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ah Madaxda ka qeyb qaadaneysa Shirka Caalamiga Waxbarashada ee London ayaa ka qeyb galay falanqeyn ku saabsan waxbarashada oo ay ku wehliyeen Madaxweynayaasha dalalka Sierra Leone iyo Niger.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay, in khilaafaadka iyo masiibooyinka dabiiciga ee ka jiray Soomaaliya sanado badan ay si weyn u ragaadiyeen waxbarshada gaar ahaan xilligii uu sida weyn sare ugu kacay Cudruka Carona dunida oo dhan taas oo ay Soomaaliya u dheertahay dagaalka ay kula jirto kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab.