Ra’iisul Wasaare Rooble oo lakulmay Safiirka Ingiriiska Ben Fender

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaliya Ben Fender kaasi oo ay u dhamaatay muddaadii shaqadiisa.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriiirka ka dhaxeeya labda dal.

Safiirka Ingiriiska u joogay Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka iyo sida loogu fududeeyay inuu guto howlihiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa uga mahadceliyey safiirka kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo u rajeeyey safiirka mustaqabl wanaagsan.

Boqoradda Ingiriiska ayaa Mr. Ben Fender Obe u soo magacawday safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya dhamaadkii bishii Janaayo 2019 isagoo lagu bedelay Mr. David Concar.