Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay xubnaha dowladda Federaalka ay ku dareyso Guddiyada doorashada Dowlad Goboleedyada.
Xubnaha lagu kordhiyay Guddiyada ayaa waxay ka kooban yihiin min 3 xubnood oo Guddi walba ee dowlad goboleedyada soo gudbisay lagu darayo.
Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa horay u soo magacaabay min 8-da Xubnood ee u matala Doorashada heer dowlad Goboleed.
Hase ahaatee dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo magacaabin guddiga doorashada heer dowlad Goboleed.