Ra’iisul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow gaaray magaaladda Samareeb ee Caasimada Dowlad goboleedka Galmudug halkaas oo ka furmaayo shirka wadatashiga dowlad goboleedyadda, gobolka Banaadir iyo dowladda dhaxe.

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa garoonka caasimada ku soo dhowaayey wefdiga Ra’iisul wasaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin ka hor shir wadatashi ah iskugu yeeray dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo.