Ra’iisul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdugan ayaa ka soo ambabaxay magaalada Garowe waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor),wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug iyo dadweyne faro badan.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Galmudug lagu wadaa inuu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka ee la filayo inay dhacaan bilawga sanadka cusub ee 2021 iyo muranka ka dhashay guddiyada doorashooyinka maamulka Galmudug.