Ra’iisul Wasaare Rooble oo u magacaabay Bashiiir Goobe Wasiiru dowlaha Howlaha Guud

1,106

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo.

Magacaabista wasiiru dowlaha ayaa timid kadib markii dhawaan heshiis ay gaareen Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble khilaafkii ka dhexeeyay ee salka ku hayay kiiskii Ikraan Tahliil.

General Bashiir Maxamed Jaamac ayaa hore xilal kala duwan uga soo qabtay dalka waxana u magacaabay taliyaha ciidamada nabadsugida Ra’iisul Wasaare Rooble.