Ra’iisul Wasaare Rooble oo u magacaabay Cabdulaahi Maxamed Nuur Wasiirka Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow waxa uu xilka ka qaaday Wasiirkii Amniga Xasan Xundubey isagoo u magacaabay xilkaas Cabdulaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal la soo dhigey goor dhow warbaahinta qaranka ayaa lagu daabacay sidan;

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More