Ra’iisul Wasaare Rooble “Walaalahey daneynaya Mustaqbalka Madaxweyenimada albaabkeyga waa idin furan yahay”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in cid kasta oo tabasho qabta uu soo dhoweynayo, lana fariisanayo.

Isagoo ka hadlayay shirka SPF ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in albaabkiisa u furan yahay Musharaxiinta Madaxweynaha.

“Cid kasta oo Soomaali ah oo cabasho ka qabta doorashada iyo habkeeda waa soo dhoweynayo, waana la fariisanayaa, hal qof kama weyna Soomaali oo dhan, hal qof ra’yigiisa iyo rabitaankiisa Soomaali oo dhan ka weyn”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo intaa ku daray in sharciga la ilaaliyo.

“Walaalahey daneynaya Mustaqbalka Madaxweynenimada iyagana waxaa leeyahay albaabka waa idin furan yahay, waa idin soo dhoweynaya”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in safarkiisa soo socda uu ku tagi doono magaalada Garowe oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Puntland, sidoo kalana soo mari doono Gaalkacyo, kadibna u gudbi doono Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay in marka uu ka soo laabto Safaradaas uu haddana safar ku tagi doono magaalada Kismaayo, sidaas ay ku balameen Madaxweyne Axmed Madoobe.