Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Carte Qaalib oo geeriyooday

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib ayaa goordhow ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland.

Allaha u naxariistee Cumar Carte Qaalib ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladii hore ee Maxamed Siyaad Barre uu madaxda ka ahaa iyo dowladii Cali Mahdi uu Madaxweynaha kumeel gaarka ahaa.

Cumar Carte ayaa dhashay sanadkii 1930kii waxana uu dowladii hore ee Siyaad Barre ka soo noqday wasiirka Arrimaha Dibbada intii u dhexeysay 1969 illaa 1977.

Kadib markii ay dhacday xukuumadii Siyaad Barre ayaa dowladii uu Madaxweynaha ka noqday Cali Mahdi Maxamed ayuu ka noqday ra’iisul wasaare 24kii Janaayo 1991 illaa iyo bishii May 1993.