Ra’iisul Wasaarihii hore Pakistan Imran Khan oo toogasho lagu dhaawacay

Nov. 03 (Jowhar.com) -Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa laga toogtay lugta, kaddib markii lagu weeraray dibadbax ka socday magaalada Wazirabad ee bariga dalkaas.

Mid ka mid ah kaaliyaashiisa ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inuu ahaa weerarkan isku day lagu doonayey in lagu dilo, balse booliisku weli ma xaqiijin in uu ahaa bartilmaameedka.

Xubno ka tirsan xisbigiisa PTI ayaa sheegay in afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen toogashada.

Mr Khan oo 70 jir ah ayaa hogaaminayay socodkii banaanbax ka dhacayay magaalada Islamabad si uu u dalbado doorashooyin degdeg ah kadib markii xilka laga tuuray bishii April. Ra’iisul wasaarihii hore ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada Lahore.

Hogaamiye kale oo xisbiga Imran Khan, wasiirka caafimaadka ee gobolka Yasmeen Rashid, ayaa sheegay in Mr Khan uu xaaladiisu wanaagsan tahay. Nin tuhmane ah ayaa markii dambe la xiray, sida uu sheegay TV-ga Geo TV ee Pakistan.

Bishii hore, guddiga doorashada Pakistan ayaa Mr Khan ka reebay inuu qabto xafiis dowladeed, kiis uu ku tilmaamay ciyaaryahankii hore ee Cricket-ka inuu ahaa mid siyaasadeysan.

Waxaa lagu eedeeyay in uu si qaldan u shaaciyay tafaasiisha hadiyadaha madaxda ajnabiga ah iyo lacagaha ka soo xarooda iibintooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More