Rasaas lagu furay gaari uu la socday Imaam Maxamed Yuusuf
Gaari uu la socday Imaam Maxamed Yusuf ayaa goordhow lagu rasaaseeyay agagaarka Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Gaariga Imaamka la socday ayaa waxaa wehliyay xubno ka tirsan Dhaqanka Mudullood oo ka yimid gogosha Tacsida General Galaal, waxaana markii gaarigooda ka soo gudbay Koontaroolka koowaad ee wadada hormarta xabsiga dhexe waxaa lagu rasaaseeyay Koontaroolka labaad, iyadoo markii hore Ilaalada Asluubta lagu wargeliyay in gaariga la socdaan Duubabka Dhaqanka.
Ciidanka Asluubta ee wadadaas ku leh koontaroolka ayaa rasaaseeyay gaariga Imaamka oo ay la socdeen askar ilaalo u ah, waxaana ka dhashay dhaawacyo soo gaaray ilaalada iyo labo ka mid ah xubnihii dhaqanka ee la socday Imaamka.