Rooble oo caawa ku booqday gurigiisa Madaxweyne Xasan Sheekh

May 16 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa booqasho hambalyo iyo salaan ah ugu tagay Madaxweynaha Dooran ee JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.
Maxamed Xusseen Rooble ayaa madaxweynaha cusub u rajeeyay inuu Eebbe ku guuleeyo xilka Qaran ee loo doortay sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Sharaf ayey ii ahayd inaan caawa la kulmay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar kamid ah golehiisa wasiirrada. Waxaan ugu mahadceliyay dadaalkii uu u galay in dalka ka qabsoonto doorasho” ayuu yiri Xassan Shiikh oo ka hadlay kulankaas.

Waxaa Raisul Wasaaraha booqashadaas ku wehliyey Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirada Amniga iyo Waxbarashada iyo weliba Wasiir ku xigeenka warfaafinta Xukuumada Somaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo saaka waxa uu kulamo kala gaar gaar ah la yeelanayay oo gurigiisa ku soo booqanayay mas’uuliyiin kala duwan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More