Rooble;Gal dacwadeed maxkamad horyaalla in loo magacaabo guddi baaris ah waa arrin baal marsan Dastuurka

1,912
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Cadaaladda, isagoo faray Taliyeyaasha Ciidamada inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda Ciidamada oo dhaawici karta kalsoonida shacabka.

“Gal dacwadeed maxkamad horyaalla in loo magacaabo guddi baaris ah waa arrin baal marsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, saxna ma ahan in hey’ad xubno ka tirsan oo dacwad loo heysto ay qeyb ka noqdaan baarayaasha kiiska”
“Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la socdaa in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida uu ka furan yahay gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, kaas oo waafaqsan qodobka 34-aad ee dastuurka dalka oo qof kasta xaq u siinaya inuu dacwadii sharciga waafaqsan ka furto maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble.
rooble;gal dacwadeed maxkamad horyaalla in loo magacaabo guddi baaris ah waa arrin baal marsan dastuurka