Saciid Deni iyo Axmed Qoorqoor oo ku kulmay Gaalkacyo

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay ku kulmay magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu shalay soo gaaray Madaxweynaha Puntland.

Kulankan ayaa labada dhinac uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan hannaanka doorashada, waxaana labada Madaxweyne si qoto dheer uga hadleen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka.

Wararka ayaa sheegaya in kulankii xalay uu ahaa mid hordhac ah, isla markaana la isugu imaan doono maanta kulan kale.

Kulanka maanta ayaa waxaa laga soo saari doonaan war murtiyeed, waxaana muuqata in labada Madaxweyne ay isku fahamsan yihiin xal u helida arrimaha taagan iyo sidii wada hadal la isugu imaan lahaa.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa wada qorshe uu doonayo in Maamul goboleedyada isugu yimaadaan Garowe, si looga wada hadlo caqabadaha ku hordgudban doorashada, isla markaana xal loogu heli lahaa