Saciid Deni oo amar ku bixiyay in la dhaqan geliyo go’aamadii la soo saray

deni

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa amar ku bixiyay in la dhaqan geliyo go’aamadii ay soo saareen Guddigii loo xil saaray xakameynta sicir bararka iyo socod-siinta lacagta Shilin Soomaaliga ee deegaanada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ku raacay tallooyinkii ay soo jeediyeen Guddigam, waxaana uu amar ku bixiyay inuu dhaqan galo.

Guddiga ayaa shalay soo saaray go’aamo la xiriira xakameynta sicir bararka iyo sidii shilin soomaaliga loo socodsiin lahaa

Qodobada Guddiga soo saareen waxaa ka mid ah

1: In cashuurta Dekadda lagu qabto 20% Shillin Soomaali.

2: In mushaharka shaqaalaha lagu siiyo 20% Shillin Soomaali.

3:In Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) sidoodii lagu celiyo.

4: Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.

5: In cashuuraha Dowladdaha hoose Shillin Soomaali lagu qaado.

6: In Sarifka uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladdu.

7: In Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga ay kawada shaqeynayaan Xukuumadda iyo Ganacsatada.

8: In Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.