Saciid Deni oo ku baaqey in lagu taageero Rooble qabashada doorashooyinka

853

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee dalka ku soo korortay ayaa ugu baaqay Madaxda in Ra’iisul Wasaaraha fursad u siiyaan inuu shaqadiisa guto.

Saciid Deni Madaxweynaha Puntland oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Garoowe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si cad Baarlamaanka hortiisa uu mas’uuliyadda Amniga iyo doorashooyinka ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, kaddib qalalaasihii April dhacay.

 

“27 May dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waxay Xamar ku saxiixeen heshiis iyo habraacyo doorasho oo dhigaya in doorashada iyo amniga dalka inuu Ra’iisul Wasaaraha hoggaamiyo, runtii wixii lagu heshiiyay inuu khilaaf ka yimaado waxay ceeb ku tahay dadkii heshiiskaas saxiixay”

 

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay in Ra’iisul Wasaare Rooble looga dambeeyo arrimaha amniga iyo doorashooyinka dalka.