Saciid Deni oo la kulmay madaxweynayaashii hore ee Puntland

664

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan la yeeshay madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo Cabdiraxmaan Faroole.

Kulankan ayaa waxaa loogaga hadlay xaaladahii ugu dambeeyay magaalada Boosaaso, ee u dhexaysa Xukuumadda Puntland iyo Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka diirada lagu saaray go’aannadii dhawaan ka soo baxay qaar kamid ah Isimada Puntland oo uu hoggaaminayo, Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Illaa iyo hadda ma jiro wax jawaab rasmi ah oo maamulka Deni uu ka qaatay go’aanada ay soo saareen isimada inkastoo siyaasiyiinta Puntland iyo baarlamaanka Puntland uu ka soo horjeestay go’aankaas.

Go’aanada ay Isimada gaareeb ayaa waxaa ka mid ahaa in Sarreeye Guuto Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo Agaasinka Hay’adda PSF, islamarkaana dib u heshiisiin loo sameeyo isaga iyo Madaxweyne Deni.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo Guddoomiyaha Baarlamanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.