Saciid Deni;”Farmaajo ma doonayo doorasho qof iyo cod iyo Dowlad Federal ah”

738

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuusan dooneyn in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Saciid Deni ayaa warkan sheegay kadib markii ay soo dhamaadeen doorashadii qof iyo codka ahaa ee ka dhacay degmooyinka Qardho,Eyl iyo Ufeyn.

“Farmaajo iyo Villa Soomaaliya kama hadlin doorashada caalamka oo dhan laga soo dhaweeyay horena waxa ay Villa Soomaaliya u soo saari jirtey qoraalo badan taasna waxa ay cadeyn u tahay in Farmaajo uusan dooneyn doorasho qof iyo cod ah iyo weliba dowlad federal ah.”ayuu yiri Saciid Deni Madaxweynaha Puntland.

Hase yeeshee eedeyntan kadib markii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Deni ayaa qoraal ka soo baxay Villa Somaliya waxaa lagu sheegay inu Madaxweynaha uu la xiriiray

Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ee Puntland ee ku tartamay doorashada dadweynaha ayaa ugu hambalyeeyey natiijada ay ka soo hooyeen deegaannada ay ku qabsoontay doorashadu.