Sacudi Carabiya oo ka hadashay weerar gantaalo ah oo lagu soo qaaday

Dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay inay ka hortagtay weerar gantaallo ah oo lagu soo qaaday caasimada dalkaas ee Riyadh.

Weerarkan ayaa waxaa ay Boqortoyada Sacudi Carabiya ku eedeysay Xuutiyiinta ee ka dagaalanta gudaha dalka Yemen.

Warbixinno laga baahiyey telefishinka dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in dhowr diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha wadin ah, isla markaana lagu soo rakibay bambaanooyin culus ay burburisay dowladdu. llaa hadda lama soo sheegin khasaare nafeed iyo mid dhaqaale oo ka dhashay weerarkaas.

Waxaa sare u kacay weerarrada Sucuudiga uga imaanayo dhinaca xuduudda Yemen, xilli Sucuudiga uu hoggaaminayo howlgallada ka dhanka maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee taageerada ka hela dowladda Iran.