Samia Hassan oo loo dhaariyay Madaxtinimada Tanzania

Samia Suluhu Hassan ayaa loo dhaariyay hoggaaminta dalka Tanzania iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xilkaas ka qabata dalka Tanzania.

Haweeneydan ayaa xilkan loo dhaariyay maalmo kadib markii uu geeriyooday Madaxweynihii dalkaas John Magufuli.

Samia Suluhu waxa ay kasoo jeedaa Saldanadda Zanzibar, waxaana ay dhalatay 27-kii Janaayo 1960-kii, waxbarashada Dugsiga sare waxa ay dhammeysay sanadkii 1977 sida ku qoran diiwaanka sooyaalkeeda.

Waxa ay soo qabatay xilal kala duwan, shahaadooyin kala duwan ayay ka heysataa Jaamacado ay wax ku baratay muddada ay ku howlaneed waxbarashada, waxaana kamid ah: Maamulka & Maareynta oo ay ka daraaseysay Jaamacadda Mzumbe University.

Samia waxa ay lasoo shaqeeyay Hay’adda Cunnada adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP, Jaamacadda Manchester ee Dalka UK ayay ka qaadatay Diploma Dhaqaalaha ah sanadkii 1994-tii.

Siyaasadda waxa ay si rasmi ah uga soo muuqatay sanadkii 2000 waxa ay wakiil ka ahayd Aqalka Zanzibar, ilaa ay kamid noqotay Golaha Wasiirada waa ay sii horumarineysay ka muuqashada Siyaasadda oo hami badan ay u heysay.

Bogaadin ayay ka heleysa Samia Suluhu Hassan madax u badan kuwa Qaaradda Afrika oo ku dhiiragelinaya in ay hoggaamiye ka noqota dalka murugada Madaxweynahooda geeriyooday la tiiraanyeesan.