Saraakiil ku dhaawacantay qarax ka dhacay wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad

miino

Labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku dhaawacantay kadib markii gaari ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday meel u dhexeya magaalada Balcad iyo deegaanka Qalimow ee gobolka Sh/dhexe.

Saraakiishan ayaa la sheegay inay saarnaayeen baabuurta loo yaqaan Cabdi Bilaha ee ay ciidamada isticmaalaan waxaana soo gaaray sida ay sheegayaan wararka dhaawac fudud.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiishan oo magacyadoodu lagu kala sheegay Yaasiin Cabdi Tooxow iyo Nuur Dheere inay ku sii jeedeen gaadiid la sheegay inay ku gubeen meel ku dhow deegaanka Gololey dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Labo baabuur oo nooca waaweyn ee xamuulka ah ayay gubeen dagaalamayaasha Alshabaab iyadoo gaadiidkaana ay ku sii jeedeen magaalada Muqdisho.

Wadada u dhexeysa magaalad Jowhar iyo Balcad ayaa ah waddo maristeedu ay halis noqotay,waxaana labo maalin kahor ay miino kula qaraxday gaari bas iyadoo ay ku dhinteen illaa 19 ruux oo shacab ah.