Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa goordhow degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ku dilay Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo lagu magacaabayay Mahadi Cali Cilmi.

Sarkaalkan ayaa caan ka ahaa koofurta Muqdisho, waxaana lagu naaneysi jiray Mahad Dollar, iyadoo magacaas ay u baxday xilligii hoggaamiye kooxeedyadq.

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen Sarkaalkan Xaafada Seybiyaano.

Dableydii dilka geysatay ayaa baxsatay, ciidamo ka tirsan kuwa booliska ayaa la sheegay in howlgalo ay ku raadjoogaan kooxihii dilka geystay ka wadaan xaafado ka tirsan degmada Hodan.