Sarkaal ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo iyo qof ka mid ahaa raggii dilka fuliyay oo la qabtay

Sarkaal ka tirsan ciidanka dambi baarista CID ayaa xalay lagu dilay waqooyiga Gaalkacyo ee ka tirsan Maamulka Puntland.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay Cumar Maxamed Samatar, waxaana dilka geystay kooxo ku hubeysan bastoolado oo goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo ka sameeyay xaafadaha waqooyiga Gaalkacyo, iyagoo ku raad joogay kooxdii dilka ka dambeysay.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug Col. Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah dableydii dilka geysatay.

Dilalka qorsheysan ee ka dhaca waqooyiga Gaalkacyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo kordhayay, waxaana dhowaan lagu dilay wariye caan ahaa oo lagu magacaabayay Jamaal Faarax Aadan oo ka tirsanaa Radio Daljir, kaasoo mas’uuliyadda dilkaas ay sheegatay Al-Shabaab.