Senataradii Aqalka Sare oo laga saaray fadhigii Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa xarunta Villa Hargeysa ka saaray Senatarada Aqalka Sare ee taageersanaa Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo xalay ka hor-yimid go’aankii Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in aanu jirin kulan wadajir ah oo ay ka qeyb galayaan oo uu soo dalbaday Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in aanu kulanka aheyn mid wadajir ah, sidaas darteed ay bannaanka u baxaan Xildhibaanada Sanatarada ah.

Intaas kaddib qaar ka mid ah Senatarada soo xaadiray Xarunta Villa Hargeysa ayaa iyagoo waji gabax ka muuqda isaga baxay xarunta.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ku soo haray oo kaliya Xildhibaannada Golaha Shacabka, kuwaasoo warbixin ka dhageysan doona Madaxweyne Farmaajo.