Shabaab oo dagaal ku dishay mid kamid ah nabadoonada ugu caansan gobolka Hiiraan

Sept. 29 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo deegaan hoostaga degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidamadda dowladda oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah iyo koxoda Al-Shabaab.

Sida wararka la helayo ay sheegayaan, dagaalkaasi waxey Shabaab ku dileen Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo kamid ah Nabaddoonada ugu caansan Gobolka Hiiraan, isagoo ku geeriyooday weerar qaraxyo ku bilowday oo kooxdaasi ay ku qaadeen degaanka Ceelqooxle.

Nabadoonka ayaa kamid ahaa hormuudka Odayaasha dhaqanka ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Shabaab, waxaana maalmihii la soo dhaafay uu ka soo muuqan jiray warbaahinta, isagoo qori wata ayuu dadka u soo jeedin jiray iney dagaalka ka soo qeyb galaan.

Saraakiisha ciidamadda ayaa sheegaya iney iska difaaceen weerarka uga yimid kooxdaasi oo dooneysay iney dib ula wareegaan degaanka Ceelqooxle ee hoostaga degmada Moqokori, halkaasoo kamid ah meelaha ay sanadada badan heysteen ee dhawaan lagala wareegay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More