Shabaab oo ka dhex dagaalameysa xarunta maamulka gobolka Banaadir

Jan. 22 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo culus oo laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyada ay daba socotay rasaas culus.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in dagaalamayaal Shabaab ay ay weerar ku bilowday qaraxyo ku galeen xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ku taala degmada Xamarweyne.

Ilaa saddex qarax oo is xig xigay ayaa la maqlay, waxaana saraakiil ay xaqiiniyaan in dagaalamayaal Shabaab ah ay gudaha u galeen xarunta, iyadoo ay socoto howlgal lagu saarayo xubnaha.

Gawaarida gurmadka deg dega ah ayaa ku sugan aagga weerarka uu ka socdo, iyadoo ay soo daabulayaan dadka dhaawacyasa kala duwan qaba.

Gudaha xarunta waxaa ku jirta mas’uuliyiin heer gobol, heer degmo, saraakiil ciidan iyo dad shacab ah, kuwaasoo aan la ogeyn xaaladooda.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xili Shabaab bilihii la soo dhaafay laga saaray degmooyin iyo deegaano badan, maalmahan waxaa soo baxayay digniino ku aadan Shabaab badan oo gudaha u soo gashay magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More