Shariif Sheekh Axmed oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho

shariif

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu booqasho 24 saac qaadatay uu ku joogay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboledka Hirshabelle.

Shariif Sheekh Axmed ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Jowhar waxa uu la kulmay Siihayaha Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlawe Xuseen iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Dib ugu laabashada Muqdisho ee Shariif Sheekh Axmed oo la filayay in dhowr maalmood uu joogo caasimada Hirshabelle ayaan la ogeyn sababta soo dedejisay.

Hase yeeshee booqashadiisa ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli ay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ay ku gudajiraan ololaha doorashada guddoonka baarlamaanka Hirshabelle.