Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya

shariif

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dacwada badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Badda taasoo goor dhow ka bilaaban doonta magaalada Hogue oo ay ku taalla Maxkamada ICJ.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu Madaxweynihii hore ahna hoggaamiyaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh ku sheegay in dacwadan ay tahay arrin u baahan inay u midoobaan Soomaali meel kasta oo ay joogto, waa arrin aan la siyaasadayn karin ama loo adeegsan karin dano gaar ah.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Shariif Sheekh Axmed

Bismillaah

Maanta waa maalin ku weyn qalbiyaddeena, waa maalin ay dacwaddii badda ee u dhaxaysay dalkeenna Soomaaliya iyo Kenya ay ka bilaabaneyso Maxkamadda Cadaaladda Adduunka, waana maalin ay qormayso taariikh cusub oo muujin doonta in taako kamid ah xuduud badeedkeenna aan la qaadan karin.

Waa arrin u baahan inay u midoobaan Soomaali meel kasta oo ay joogto, waa arrin aan la siyaasadayn karin ama loo adeegsan karin dano gaar ah.

Waxaan bogaadinayaa Wafdiga iyo Qareennada nagu matalaya dacwadda, waxaan Alle ka rajaynayaa inay halkaas guushu ku raacdo Soomaaliya.

Guul iyo Gobannimo