Sharma’arke oo beeniyay inuu ka mid ahaa siyaasiyiin go’aan ka soo saartay khilaafka Boosaaso

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa beeniyay in uu ka mid ahaa siyaasiyiiin ka soo horjeesatay go’aan ay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Puntland ka soo saareen khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Puntland iyo Ciidamada PSFta.

Qoraal kooban oo uu soo dhigey bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay Sharma’rke inaan lagala tashanka bayaanka ay soo saareen siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland.

“Waxaan cadayn inaan la igala tashan oo aanan qayb ka ahayn bayaan kan soo baxay iyo hadalada uu xambaarsanaa” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitterka.

Khilaafka ka dhex jira Madaxweyne Deni iyo Ciidamaa PSF ta ayaa u muuqda mid dadkii dhexdhexaadinayay ay ku kala qeybsameen waxayna taasi sababi karta halis hore leh oo soo wajahda daka ku nool Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso.

sharma'arke oo beeniyay inuu ka mid ahaa siyaasiyiin go'aan ka soo saartay khilaafka boosaaso sharma'arke oo beeniyay inuu ka mid ahaa siyaasiyiin go'aan ka soo saartay khilaafka boosaaso

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More