Sheekh caan ah oo laga joojiyo howlihii uu Gaalkacyo ka fulin lahaa

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa lagu amray wadaad caan ah inuu howlo quraan saar ah ka fuliyo magaalada Gaalkacyo.

Qoraal ka soo baxay maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa lagu sheegay in inuusan wadaadka lagu magacaabo Sheekh Cabdul Xaq loona yaqaan Sheekh Rusheeye uusan howlaha lagu yaqaan ka fulin karin Gaalkacyo.

“Sheikh Rusheeye waa in uu joojiyaa hawlaha rushaynta ee uu doonayo inuu Gaalkacyo ka fuliyo, uusanna bilaabi Karin inta laga xaqiijinayo ujeedada dhabta ah ee hawsha uu dadweynaha u qabanayo.”

Sheikh Abdullxaaq Rusheeye iyo gaadiidkiisa ayaa shalay gaaray Galkacayo.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanayay sanadihii la soo dhaafay wadaado dadka shayaadiinta iyo sixirka kala tacaasha.