Sheekh Shariif oo Baydhabo kula kulmey Odayaasha dhaqanka

Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyaha golaha midowga murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo uu wehliyo Madaxweynaha Koofur Galbeee C/casiis Lafta Gareen ayaa kulan la qaatay, Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed.

Madaxweyne Shariif ayaa Odayaasha dhaqan kala hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo inay dalka usoo xulaan Xildhibaano dalka ka bixi kara xaaladaha adag.

“Odayaasha dhaqanku waa furaha dowladnimadeena casriga ah, baahidii la idiin qabay wali waa jirtaa oo dalka xaaladdiisa waad ka warqabtaan, waxaan aaminsanahay inaad dalka usoo xuli doontaan Xildhibaano u qalma marxaladaha adag ee dalkeenu ku jiro.

Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed ayaa dhankooda ka mahadceliyay kulanka uu la qaatay Madaxweyne Shariif, Odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweyne Shariif u sheegay walaaca ay ka qabaan arrimaha Doorashooyinka iyagoo kula taliyay murashaxiinta iney xaaladda qaboojiyaan,  waxaa ay dowladda kula taliyeen iney cabashada murashaxiinta dhageysato isla markaana dalka kusoo celiso xaalad caadi ah.