Sheekh Shariif oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaasoo la filayo inuu kula kulmo Mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti.

Safarka Sheekh Shariif ayaa qeyb ka ah ololihiisa doorashada, iyadoo muddooyinkan Shariifka waday dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo gudaha dalka iyo dibadda ah.

Ilo ku dhow dhow Sheekh Shariif ayaa la kulmi doona Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo saaxib dhow ay yihiin.

Sidoo kale waxaa ka filayaa inuu la kulmo Ganacsatada Soomaaliyeed ee fadhigooda yahay dalka Jabuuti.

Jabuuti waxay aheyd halkii Sheekh Shariif lagu doortay sanadkii 2009, xilligaasoo dowladda Jabuuti martigelisay wada hadaladii u dhaxeeyay Isbaheysigii ARS iyo dowladdii TFG-da oo ugu dambeyn keentay isku darka labo Baarlamaan oo Mucaaradka iyo dowladda in dowlad Midnimo Qaran la soo dhisay

Dowladda Jabuuti oo ay Ciidamo Nabad Ilaalin ka joogaan Soomaaliya, ayaa la saadaalinaya inay ka mid noqon doonaan dalalka sida weyn u daneyn doono doorashada Soomaaliya, iyadoo dhowaan ay Jabuuti gaareen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana haatan jooga Jabuuti Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur.