Sheekh Umal;”Deni iyo Axmed Madoobe Masaalixda Ummada u Tanaasula”

Sheekh Maxamed Cabdu Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida ugu caansan ayaa madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo dhiggisa Jubaland Axmed Madoobe ugu baaqay inay ka qeybgalaan shirka arrimaha doroashada oo aysan shuruud ku xirin.

“Masaaliixda umadda u tanaasula. Shuruudaha meel iska dhiga. Miiska imaada oo in la wada tashada oggolaada. masaaliixda caamka ah ka shaqeeya”.

Sh umal ayaa sheegay in Deni iyo Axmed Moodoobe ay “muuqato qaabkaad u dhaqmeysaan aad qeyb ka tihiin mushkiladda dalka ka jirto”.

“Waxaad shuruudo badan hor dhigteen wadahadalkii, umadda wixii u suuroobi lahaydna aad hor istaagtaan sax ma ahan”, ayuu yiri Sh Umal.

Isbuucii hore ayuu sheekha farriin tan la mid ah u diray madaxda mucaaradka iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan maslaxadda caamka ah oo danahooda gaar ah ay meel iska dhigaan isagoo ka digay dibadbaxyo ay suuragal tahay inuu dhiig ku daato.

Sheekh Umal oo ku nool dalka Kenya ayaa ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn waxaana aqoontiisa ka faa’ideystay kumanaan ruux oo Soomaali ah.