Shiinaha oo balanqaad culus u sameysay ra’iisul wasaare Xamze.

Sept. 20 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Fei Shengchao oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Shiinaha ee dhinacyada Gurmadka Abaaraha iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha kaalmada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, xilligan ay dalka ka jiraan abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah waddanka, una baahan in wadajir loogu istaago gurmad kooda.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao ayaa dhankiisa tilmaamay in dowladdiisu ay kaalinta uga aaddan ka qaadan doonto gurmadka abaaraha – isaga oo intaa raaciyay in dhawrka maalmood ee soo socda dekedda Muqdisho uu ku soo xiran doono markab sida cunto gargaar oo ay dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya.

shiinaha oo balanqaad culus u sameysay ra'iisul wasaare xamze.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More