Shir u dhexeeya Madaxda Maamul Goboleedyada oo caawa ka socda Muqdisho

Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed ee wadanka Somaliya ayaa caawa shir ugaga bilowday hotel ku yaalla garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa ah kii u horreeyay Maamul Goboleedyada oo wadajir ah isugu yimaadaan tan iyo markii dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada soo gaareen Muqdisho.

Kulankan oo lagu waday inay ka qeybgalaan Wakiilo ka socda Beesha Caalamka ayaa baaqday kadib dadaal xoog leh u galay Madaxweyne Farmaajo inaysan shirkaas ka qeybgalin wakiilada beesha caalamka.

Si kasta ha ahaatee Dowlada Federalka ayaa ku tilmaantay shirka caawa madaxda maamul goboleedyada u socda inuu ahaa mid ka yimid Madaxweyne Farmaajo oo ay ergo ka yihiin madaxda maamulada Hirshabelle,Galmudug iyo Koofurgalbeed.